Mar kale, Soomaaliya waxaa soo foodsaaratay dhibaato oo haddii si dhaqso leh loo xakamayn waayo wiiqi karto midnimadeeda Qaran, kana dhalan karto cawaaqib xumo weyn.
Jaridda ay u jareen xiriirka diblomaasi ee aan la leenahay dalka aan deriska nahay ee Kenya, mas’uuliyiinta Muqdisho waxay halis ugu jiraan inay dalkeyga soo jireenka ahaa ee aan jeclahay ku mashquuliyaan geeddi-socod ku yeelan karo saameyn aan laga soo kaban karin, lana xakameyn karin.

Annagoo cambaareyneyno isku dayga “xasillooni-darrada” ee ka imaanayso dibedda, halis wayn ku ah nabadgelyada Qaranka iyo midnimadeena dhuleed, haddana waa in marka hore fursad la siiyaa wadahallada, ilaa laga quusto oo aynaan u horseedin dalkeenna xaalad cakiran oo sii kordhin karta khatarta dagaalka.

Anigoo xog-ogaal u ah halista la wajahi karo, kana walwalsan mustaqbalka dalkeenna iyo amniga Soomaalida oo dhan, waxaan si adag u xusuusinayaa in ay lagama maarmaan tahay in wax kasta loo doorbido wadahadalka iyo xal-raadinta nabadeed, gaar ahaan markaannu is hayno dalalka ood-wadaaggu nahay.

Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka oo aan Gudoomiye ka ahay, wuxuu xoogga saarayaa in aanan lagu dhicin dabinka la isku dhafayo, loona adeegsanayo duruufaha dibadeed kuwa gudaha, sida muranka taagan ee doorashada ee ka dhalatay musuqmaasuqa iyo karti darrada Dawladda hadda jirta oo Soomaaliya ku hayso xaalad dagaal sokeeye iyo mid amni xumo ee joogto ah. Iyada ayaana dhabarka saaran doonto mas’uuliyadda culus ka dhalato cawaaqibxumideeda.

Waxaan mar kale ku baaqayaa in dadkeennu aysan rahan u noqonin hammiga Madaxweyne iyo Xukuumad waqtiga ka dhacay, laheyn taageerada shacabka iyo kan sharciyadda. Walaalaheenna Somaliland waa inay ka qayb qaataan midnimada iyo guud ahaan aayaha dalkeenna. Yeynaan kala-qaybsanaanta lagu darin kala-qaybsanaan! Yeynaan fursado cusub siinin khataraha isku dhaca. Dhamaanteen si wada jir ah waa inaan la dagaalannaa argagixisada, musuqmaasuqa iyo amni darada ka jirta dalkeena.

Aniga oo ah murashax si cad u taagan doorashada soo socota ee Madaxwaynaha Soomaaliya, waxaan u balan qaadayaa walaalahayga dalka ila leh, in aan u soo celiyo amniga iyo ku dhaqanka Sharciga, in dib-u-habeyn ku sameeyo hayaddaheena, dibna u soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee aan la lahaan jirnay dawladaha deriska nala ah, isla markaasna in aan u horseedo Soomaaliya in ay ku socoto waddadii Cusbooneysiinta, Midnimada iyo Nabadda.

La qoray, 12/21/2020.

Abshir Aaden FERRO
Guddoomiyaha
Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka
Murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021ka.

Xiriirka: info@abshirferro.com